Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 64-aad Guutada 7-aad qeybta 60-aad ayaa howlgallo xoogan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgallada ayaa Saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen inay ka dhan ahaayeen Ururka Al-Shabaab iyo kuwa lagu qaadayay isbaarooyin dad shacab ah lagu dhibaateynayay.
Taliyaha ururka 64-aad ee xoogga Dalka Cali Cabdulaahi Halac oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay la haayeen Al Shabaab sidoo kalena ay ku guuleysteen sifeynta isbaarooyin halkaas yaalay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgallada ay qeyb ka ahaayeen kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka ayna sii wadi doonaan.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah ee ku safra degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka imaaneysay cabasho xoogan oo ku saabsan Kooxo isbaaro u dhiganaya taas oo keentay in Ciidamada ay howlgallada fuliyaan.



