RW Rooble oo Guddi qiimeyn u Magacaabay Garbahaarreey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi soo qiimeeya xaaladda Deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee Magaalada Garbohaarreey Gobolka Gedo.

Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood ayaa ka kala socda Xubno katirsan Guddiga hirgelinta doorashoyinka Heer Federaal, Guddiga Maamulka doorashooyinka Jubbaland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1: Avv. Cumar Maxamed Cabdulle
Guddoomiye
2:  Muuse Geelle Yuusuf
Guddoomiye ku xigeen
3:  Maxamed Cawil Warsame
Guddoomiye Ku Xigeen
4: Maxamed Daahir Faarah
Xoghayaha Guddiga
5: Maxamed Aadan Cismaan
Xubin
6:  lbraahim Aadan Ibraahim.
Xubin
7: Ahmed Ruke Yuusuf
Xubin

Shaqada Guddigaan ay qaban doonaan ayaa waxaa ay tahay soo qiimeynta jawiga amniga doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee degaan doorasha 2aad Jubaland ee Garbahaareey.

2: Soo qiimeynta adeegyada looga baahanyahay qabashada Doorashada Golaha Shacabka ee Garbahaarreey.

3: Soo ururinta aragtiyaha daneeyayaasha doorashada ee deegaan doorashada 2aad ee
Jubbaland

Xubnaha Guddiga ayaa laga sugayaa in ay warbixintooda u soo gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha muddo 7 maalmood
Soo ururinta aragtiyaha daneeyayaasha doorashada ee deegaan doorashada 2aad ee
Jubalaanad