Puntland oo qeylo dhaan ka muujisay Abaaraha

Guddiga gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray la socodka xaaladda abaaraha ayaa isaga oo ka duulaya go’aankii guddiga joogtada ah fadhigoodii 7-aad ee 21st Febraayo, 2022 yeeshay kulankoodii ugu horreeyay

Kulanka ayaa waxaa ay  ku lafa-gureen xaaladda abaaraha ee ka jirta Gobollada Puntland, iyaga oo xiriir la sameeyay bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegannada Puntland, si ay wax uga ogaadaan saameynta abaaraha ay ku yeelatay  dadka iyo duunyada.

Qoraal ay Guddiga kasoo saareen kulankooda ayay ku shaaciyeen in kadib xiriiro ay la sameeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ay u soo baxday in ay jirto xaalad abaareed oo
saameysay dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Puntland taas oo ay sababtay xilli roobaadkii oo la waayey saddex waqti keentayna biyo yaraan iyo baad la’aan soo food saartay dadka iyo duunyada.

” Guddigu wuxuu ku bogaadinayaa Xukuummadda Puntland magaacaabidda
guddiga gurmadka abaaraha iyo dedaalada hordhaca ah ee wax lagaga qabanayo xaaladda abaarta ka jirta Gobollada Puntland ayaa sidoo kale lagu yiri” Qoraalka.

Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland sida Isimada dhaqanka, Cullimaa’udiinka, Ganacsatada, Qurbajoogta, Aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka, Ururada Siyaasadda
iyo Ururada Bulshada Rayidka ah inay ka qeyb qaataan, gacanna ku siiyaan dawladda dedaalada ay waddo ee ku aaddan arrimaha gurmadka abaaraha.

Ugu dambeyn, guddiga ayaa u soo jeediyay Xukuummadda Puntland in ay samayso qorshe dhammaystiran oo la xiriira maareynta xaaladaha ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha soo noq-noqda iyo
isbeddelka cimillada.

Degaano iyo degmooyin badan oo katirsan Puntland ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar baahsan, iyada oo dadka iyo duunyada kunool aysan helin gurmadkii loo baahnaa.