Hir-Shabeelle oo Guddi baaris u saartay dilkii Taliyihii Booliska Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle MCali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Gudi Baaris ku sameeya Dilka Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in markii uu arkay talo soo jeedinta Hay’adaha Amniga Hir-Shabeelle, isla markaana uu garoowsaday in laga maarmaan ay tahay baaris lagu sameeyo dilkii Taliyihii Booliska Beledweyne uu Magacaabay Xubnaha guddiga baarista oo kala ah.

1: Gaashaanle Maxamed Cabuqaadir Maxamed oo ah kuxigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, kaas oo guddiga looga dhigay Guddoomiye.

2: Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan oo ah Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle oo guddiga looga dhigay Guddoomiye kuxigeen.

3: Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubin.

4: Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo ah Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Xubin.

4: laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dalabeey oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xubin.

5: laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye Xubin.

6: laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed Xubin.

Xubnaha Guddigaan uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa laga sugayaa baarista dilkii loo geystay Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege).