Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Guddiga Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku qabanaya doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta lixda musharrax ee ku tartami doona Saddexda kursi, waxaana kuraasta la dooranaya iyo musharrixiinta ku tartami doonta ay kala yihiin.

1: Hop#092 oo uu hadda ku fadhiyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, waxaana ku tartami doona Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii RW Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi iyo Cabdullaahi Aadan Cabdi.

2: Kursiga Hop#023 oo uu hadda ku fadhiyo Cali Maxamed Muuse ayaa waxaa Maanta ku tartami doona Sahra Cabdi Cilmi iyo Nasro Mahdi Caraale.

3: Kursiga Hop#132 oo uu ku fadhiyo Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle) ayaa waxaa ku tartami doona Cadar Xareed Jibriil iyo Ifraax Cabdiqani Yuusuf.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wada sidii uu u dardar gelin lahaa doorashada Golaha Shacabka, waxaana Maamulkaas uu ilaa iyo hadda shaacin doorashada kuraasta taalla Magaalada Garbahaareey oo ah degaan doorashada labaad.