Faransiiska iyo xulafadiisa Yurub ayaa ciidamadooda kala bixi doona Mali ku dhawaad toban sano ka dib oo ay dalkaasi ka howlgalayeen.Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana shaaciyay hadalkaan.Ciidamadan ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku howlanaa la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi.
Mr Macron ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka uu daba socdo burbur ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed, iyadoo ay sii kordhayso cadaawadda uga imaaneysa maamulka militariga ee Mali.Ciidamada laga saaro dalka Mali ayaa dib la geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Afrika.
Waxa uu beeniyay in howlgalladii ee ay halkaa u tageen ciidamada Faransiiska iyo xulufadooda uu fashilmay, waxaa uuna ku adkeystay in France ay weli ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta ee gobolka. Waxa uu intaa ku daray in Niger ay ogolaatay inay martigeliso qaar ka mid ah ciidamada ka baxaya Mali.
“Faransiiska ayaa door muuqda ka ciyaaray abaabulkan caalamiga ah ee lagu gacan iinayo gobalka Saaxil,Waan sii wadi doonnaa xaqiijinta doorkan midaynta.”Ayuu yiri Macron. Ka bixitaanka qorshaysan, oo la filayo inuu dhaco muddo afar ilaa lix bilood ah, ayaa lagu dhawaaqay ka dib kulan ay hogaamiyayaasha Yurub iyo Afrika yeesheen.
Warbixin la sii daayay khamiistii shalay ayaa lagu sheegay in dalalka ku lugta leh howlagallada uu hoggaamiyo Faransiisku ay ku heshiiyeen inay dejiyaan qorshayaal ku saabsan sidii saameyn ay ugu yeellan lahaayen dhaqdhaqaaqyada ka jira a gobolka, gaar ahaan Niger iyo Guinea, marka la gaaro bisha Juun.



