Dowladda Mareykanka ayaa Caawa ka hadashay xiisadda ka taagan Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeysa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xueen Rooble.
Qoraal kasoo baxay waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu tallaabo ka qaado dadka carqaladeynaya Nabadda, sidoo kalena ay taageerayaan dadaalada la xiriira doorashooyinka ee uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble.
“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo.ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.
Beesha Caalamka ayaa indhaha ku heeysa xaaladaha kajira dalka Soomaaliya, iyaga oo soo saaraya qoraalo qaarkood aad u kulul oo ku wajahan Madaxda Soomaalida.



