Waxaa Xarunta Dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye Magaalada muqdisho ka socota doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, iyada oo goordhow la doortay Xildhibaanka labaad ee Maanta.
Kursiga HOP255 oo uu ku fadhiyay Axmed Maxamuud Maxamed ayaa waxaa ku tartamay Guuleed Biixi Cabdi , Axmed Maxamuud Maxamed iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen, waxaana kursiga ku guuleystay Guuleed Biixi Cabdi.
Guuleed Biixi Cabdi ayaa helay 58 cod, halka labadii musharrax ee la tartamayay ay kala helleen Axmed Maxamuud Muxumed oo kursigaan horay ugu fadhiyay 22 cod & Cabdillaahi Biixi Xuseen oo 21 cod.
Doorashada ayaa weli ka socota dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana guddiga mamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ay sheegeen in Maanta la dooranayo Afar kursi.



