Waxaa Xarunta Dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ka socota doorashada Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, iyada oo kursigii ugu horreeyay Maanta la doortay.
Jaamac Maxamed Askar oo Afartii sano ee la soo dhaafay katirsanaa Golaha Shacabka ayaa markale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yahay #Hop254, kadib markii uu u tanaasulay Aadan Axmednuur Haybe oo la tartami lahaa.
Ilaa Afar kursi ayuu qorshuhu yahay in Maanta lagu doorto Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana codeyneysa 101 Ergo oo la soo xulay.



