Rooble oo gaaray Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen  Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti ee caasimadda Djibouti.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa  halkaas ku soo xiri doono Madasha Aragti Wadaagga Heritage.

Garoonka diyaaraddaha dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Jabuuti, waxaa uu sidoo kale kulamo uu la yeelan doono Madaxweynaha Jabuuti.

Rooble ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho xilli ay ka jirto xaalad adag ka dib markii la boobay doorashada xubno ka mid ah golaha Shacabka.