Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.
Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan aida amniga, Gargaarka iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay wakiilada Beesha Caalamka Beesha Caalamka, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen kuwo uu isku barayay maadaama uu xilka ku cusub yahay.



