Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hir-Shabeellee iyo Jubbaland inay si deg dega ah u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.
Kulankii xalay dhexmaray Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayay Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & Hir-Shabeelle ka sheegeen inay si deg deg ah dhawaan u bilaabayaan doorashooyinka Golaha Shacabka.
Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka bilaawday dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa ka timid cabasho ballaaran, iyada oo ay inta badan muujinayeen Midowga Musharrixiinta.



