Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (isxal) ayaa Maanta shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka, kaasi oo lagu qabtey xarunta Maamulka gobolka mudug.
Waxaa Shirka Amniga ka qeyb galley taliska Booliska gobolka mudug, Saraakiisha Ciidanka Daraawishata iyo Maamulka degmada gaalkacyo ee Galmudug.
Shirka ayaa Inta uu socodey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqijin lahaa Amniga gobolka iyo sugidda Amniga Doraashada golaha Shacabka Ee dhawaan ka dhici doonta Magaalada Gaalkacyo.
Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray Awaamiir Cusub oo Maalmahan Laga dhaqan galin doono Degaanada Gobolka Mudug.



