Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.