SAWIRO:- Agab doorasho oo lagu wareejiyay Guddiyada doorashada Somaliland & Banaadiriga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka ku wareejiyay Guddiyada Doorashooyinka Somaliland (SEIT) iyo Banaadiriga (SEIT).

Wareejinta agabka Doorashada ayaa qayb ka ah dardar gelinta Doorashada Gollaha Shacabka oo si dag daga u bilaaman dooonta maalmaha soo socda.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa agabka doorashada Golaha Shacabka ku wareejiyay Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Galmudug oo ka mahadceliyay agabka lagu wareejiyay, waxaana manta lagu wadaa in agabka doorashada la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.