Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay in 50 madfac ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Kenya, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Kenya dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Kudhaa ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerrarada Al-Shabaab iyo howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.



