Goorta la xukumi doono dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku aadan dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya lasoo saari doono 12-ka October 2021.

Mahdi Guuleed, oo ka mid ah guddiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka October, 2021.”

Dhul badeedka la isku haysto ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Dhageysigii ugu dambeeyey ee dacwadda, oo dhacay bishii March 2021, ayaa waxaa qaadacay oo dood oraaheedkii ka baaqsaday dowladda Kenya kadib markii maxkamadda ay diiday codsigii Kenya ee ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska.

Soomaaliya ayaa marar badan ku gacan seertay dalabka Kenya oo ah in murankan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda iyo hab diblomaasiyadeed.