RW Rooble oo Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi kala hadlay doorashada Aqalka Sare

Iyada oo xilligaan uu heer gebo-gebo ah marayo u diyaar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildhibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay in uu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.

Kulankaan ayaa waxaa uu daba socdaa kadib markii Guddoomiye  Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed ay shalay gelinkii dambe soo saareen hamraaca doorashooyinka Aqalka Sare ee Hobolada Waqooyi, kaas oo ahaa mid laga saaray doorkii Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, balse markii dambe la bedelay.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed inay soo saaraan liiska Musharixiinta Aqalka Sare.