Musharax Daahir Geeelle” Hore ayaan uga digay in guddi la saaro lagu dilo kiiska Ikraan Tahliil”

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay Guddiga uu  Caawa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhaamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u saaray Kiiska Ikraan Tahliil.

Musharax Daahir Geelle ayaa 3-dii Bishaan sheegay in marnaba aan lagu qanceyn in Guddi baaritan arrintaan loo saaro, isaga oo sheegay in dhacdooyin horay dalka uga dhacay Guddiyo loo saaray aan waxba kasoo bixin.

Qoraal uu musharaxa soo dhigay Caawa Baraha Bulshada ee uu isticmaalo, sida Twitter iyo Facebook ayaa waxaa uu kuyiri” Hore ayaan uga digay in guddi la saaro lagu dilo kiiska caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil. Walaalkeey @M_Farmaajo waxaan kula talinayaa in uu joojiyo is hortaagga baarista kiiska oo ay gacanta ku hayso Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka dhashay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.