Waare” Guddiga uu Farmaajo Magacaabay waa mid lagu carqaladeeynayo Cadaalad u helida Ikraan””

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay Guddiga baaritaanka ee  Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadsy ee Far.aajo uu u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil.

Qoraalka uu Waare soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddigaas uu yahay mid siyaasadeeysan oo lagu carqaladeeynayo Cadaaladda.

” Tan waxaa ay u eg tahay Carqaladaynta Caddaaladda! Maxaad ugu wareejin weyday kiiska hay’adaha awoodda u leh ee hore u jiray? Maxaa loo abuurayaa Guddi? ilameereeyso ah, laga yaabee inay tahay siyaasad: waa in aysan u noqon cadaalad ayuu yiri” Waare.

Dad u badan siyaasiyiin ayaa Guddiga uu Magacaabay Farmaajo waxaa ay ku tilmaameen mid uu ku doonayo in lagu baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.