Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Gudiga Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa Gudiga Kala hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa Madaxweynaha ay siiyeen Warbixn la xiriirta halka ay marayaan u diyaar garoowga howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu soo saaro liiska muaharixiinta Xildhibaannada Aqalka Sare.



