Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis kala saxiixday

Maamulada Puntlanda iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa gaaray heshiis ka dib kulamo maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Goldogob ee gobolka Mudug.

Heshiiskaan ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka Amniga ee labada maamul iyo wada shaqeynta laamaha Amniga.

Waxaa kaloo ka mid ah sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen ka hortagga sicir bararka iyo canshuuraha laga qaado bar xuduudeedkaa, iyo ka hortagga deegaameyn cusub oo halkaasi laga sameeyo.