Xubno kamid ah Gudiga xalinta khilafaadka doorashooyinka oo ku wajahan Garoowe

Saacadaha  soo socda ayaa waxaa  la filayaa in Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, ay safar ku tagaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goballeedka Puntland.

Xubnaha oo gaaraya ilaa lix ayaa waxaa la sheegay inay goobjoog ka noqon doonaan doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Dawlad Goboleedka Puntland ee manta ka dhaceysa Magaalada garoowe.

Xubno ka mid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya ayaa horay waxaa ay goobjoog uga noqdeen doorashada Xildhibaano kamid ah Aqalka Sare oo ka dhacday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo