Ciidamo la dhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada Dhuusamareeb

Xilli dhawaan la filayo in ay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareen ee Caasimadda Dowlad Goboleedka galmudug doorashada kuraasta aqalka Sare qeybta ka imaaneysa Galmudug ayaa waxaa aad loo adkeeyay amniga Magaalada.

Boqolaal askari oo u xilsaaray xaqiijinta Amniga guud ee doorashooyiunka ayaa waxaa la dhigay wadoooyinka waaweyn ee Magaalada iyo Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka.

Ciidamada ayaa habeen iyo Maalin waxaa ay wadan baritano lagu hubinayo ammaGaadiidka iyo dadka saran, waxaana dhowr barood oo gaadiidka lagu hubiyo laga sameeyay Gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame ayaa ugu baaqay Shacabka inay ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga si loo xaqiijiyo amniga Magalada.

Waxaa uu faray dadka ay mas’uuiyiinta kamid yihiin ee hareeraha wadooyinka dhiganaya wadooyinka inay joojiyaan, waxaana uu sheegay in qofkii Gaadiidka dhiga wadooyinka ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xilligaan waxaa kajira u diyar garoowga howlaha doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana Magaalada laga dareemayaa jawi ka duwan sidii hore.