Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu daafaca dhexe ee John Stones qalinka ku duugay heshiis cusub oo wakhti fog ah kaas oo uu ku sii joogi doono kooxda ku ciyaarta Etihad.
Heshiiska daafaca ayaa markii hore dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2026.
Qaar kamid ah taageerayaasha Kooxda kubadda Cagta ee Man City ayaa soo dhaweeyay heshiiska Cusub ee uu Kooxda la saxiixday Ciyaaryahan John Stones