Puntland oo shaacisay xilliga ay qabanayaan doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa marka hore Maanta magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee qeybta ka imaaneysa degaannada Puntland.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 Xubnood kaliya ayaa loo xilsaaray qabashada doorashada  11 Xubnood ee Puntland ku leedahay Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

  1. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
  2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi Xubin
  3. Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri Samata Xubin
  4. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Saha Xubin
  5. Xil. Cabdiqani Nuur Faarax Xubin

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca ay dhaceyso doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa Puntland.

“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca, Haddii Eebbe Idmo ayaa lagu yiri” War kasoo baxay guddoomiyaha.

Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii Saddexaad ee qabanaya doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, waxaana horay doorashada u bilaabay Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.