Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray Khilaafka ka dhex taagan Rooble iyo Farmaajo.
Puntland ayaa ku boggaadisay Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamintiisa xilliga kala guurka, Hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay Adduunka, kaddib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu maanta qaaday tallaabo lama filaan ah oo ku saabsan mas’uuliyadda ka saaran hagidda maamulka dowladnimo ee xilliga kala guurka.
Tilaabadaan ayaa timid ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyay in uu ku fashilmay dadaallada doorashada iyo soo celinta xiriirka dalalka Caalamka.



