RW Rooble oo la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku aaddan howlaha u qabsoomay, isagoo ku boorriyay in ay sii dardar galiyaan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta matalaadda haweenka ee labada aqal ee Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ayaa sidii kale Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay hadii ay jiraan cabasho la xiriirta in haweenkanay helaan qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka labada Aqal.