Qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya

Wararka ka imanaya deegaanka Hareeri dheere oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab ayaa sheegaya in uu qarax miino halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana taliyaha iyo gaadiidkiisu ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka.

Inta la xaqijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa dhintay 5 kalana waa ay dhawacmeen ay xaqijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka oo ku sugan Qeycad.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Biixi ayaa maalmahan waday kormeero lagu xaqijinayo amniga goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.