TPLF oo la wareegtay magaalo muhiim ah

Jabhadaha ka soo jeeda gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa la wareegay magaalada Lalibela, oo ah goob ay UNESCO ka dhaxashay dhaxalka gobolka Amxaarada.

Lalibela, oo hoy u ah kaniisadaha Qarnigii 13 -aad ee dhagax laga qoday, waa goob quduus u ah malaayiin Masiixiyiin ah oo Orthodox ah,Dadka deegaanka ayaa ka cararaya goobta jabhadda ay qabsatay sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Warbaahinta.

Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii November ee la soo dhaafay. Dagaalka ayaa hadda ku sii fidaya Amxaarada iyo Canfarta oo ah gobol kale oo xuduud la leh Tigray,Malaayiin qof ayaa sidoo kale barakacay.

Labada jabhadood ee Tigreega iyo ciidanka Itoobiya iyo xulufadiisa ayaa lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal.

Ku -xigeenka duqa magaalada Lalibela, Mandefro Tadesse, ayaa BBC -da u sheegay in magaalada ay gacanta ku hayaan fallaagada Tigray -ga.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax rasaas ah, laakiin dadka deegaanka ay ka cararayaan magaalada uuna ka walaacsan yahay badbaadada kaniisadaha taariikhiga ah.