Xilli saacadihii la soo dhaafay Baraha bulshada lagu faafinayay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed oo musharax kale uga tanaasulay u tartamida xilka Madaxweynaha Soomaliya ayuu beeniyay warkaas.
Sheekh Shariif oo qoraal kooban kusoo qoray Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in uu had iyo goor aminsan yahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taas oo uu sheegay in uu waqti soo galiyay welina aan u taagannahay.
“Waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar ayuu yiri” Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa uu kamid yahay Xubnaha Midowga Musharixiinta ee doonaya inay u tartamaan kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha doorashada soo socota.