SAWIRO:-Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo howlgal Wadajir ah fuliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwo ka tirsan AMISM ayaa howlgal Wadajir ah waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Howlgalka ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyay Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Jowhar, iyada oo Ciidamada Booliska & kuwa Burundi ee ka tirsan AMISOM ay bAaritaan ku sameeynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Jowhar, sigaar ah gaadiidka Mooto Bajaajta oo siwyen looga isticmAalo magaalada Jowhar & tuulooyinka hoostaga.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa dadaallada sugidda amniga doorashada soo socota ee la filayo inay ka dhacdo Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa diyaar garoow waxaa ay ugu jirtaa qabashada qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare, iyada oo amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.