Barcelona iyo Atletico Madrid oo isku heysta Ciyaaryahan Caan ah

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka Manchester City Bernardo Silva inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Premier League ku guulaystay ayaa doonaysa in ay 100 milyan kula wareegto Jack Grealish iyada oo kadib la filayo in ay dareenkooda u jeediso saxiixa xiddiga Harry Kane.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man City ayaa u baahan in ay iska iibiso xiddigaha kooxdeeda si ay isugu dheeli tirto waxana la filayaaa in uu Silva isaga tago kooxda Man City todobaadyada soo socda.