Ciyaaryahan Luke Shaw oo wadahadallo kula jira Koox Caan ah

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabi doonto wadahadalada heshiiska cusub ee xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara ee Luke Shaw.

Xiddiga ayaa ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa Man United xilli ciyaareedkii hore isaga oo sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed fiican tartankii euro 2020.

Shaw ayaa caawiye ka noqday 3 gool mid kalena dhaliyay tartankii euro 2020 isaga oo xulkiisa ka caawiyay in ay gaadho final-ka euro 2020.

Heshiiska Shaw ee Man United ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la furayso si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga