Ramla Cali oo looga adkaaday tartanka feerka

Ramla Cali oo ah gabadhii Soomaaliya ku matalaysay ciyaaraha Olombikada adduunka ayaa laga guuleystay.
Ramla oo ciyaaraha feerka ku matalaysay Olombikada adduunka ee Dalka Soomaaliya ayaa ku hartay wareegga 16aad kaddib markay ka adkaatay Maria Nechita oo matalaysay dalka Romaaniya ee Bariga Yurub.
Baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay aad loogu hadal haayay Gabadhaan, iyada oo dadka ugu badan ee ka hadlayay ay ahaayeen Soomaalida oo guul u rajeeynayay halka dadka kale ay iyana ka hadlayeen.
Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystay tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleystay feer dalka Britain