Arday Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda gobolka Tigreega

Iyadoo ay dagaallo ka socdeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa waxaa halkaasi u suurta gashay inay isaga soo baxaan qaar ka mid ah arday Soomaali ah oo Jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle ee xarunta gobolka Tigreeda.

Ardayda ay u suurtagashay in ay ka soo baxsadaan colaadda halkaasi ka jirta waxaa ka mid ah Saciid Macalin Bashiir oo  jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle.

Saciid waxaa uu sheegay inay tageen degaanka Amxaarada kadib markii la waayay cid bixisa dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda markii Hay’adihii isaga baxsadeen

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqa Ardayda kale ee ku sugan Magaalada Maqalle in aysan naftooda haligiin, isla markaana ay isku dayaan badnaaeinta naftooda iyo helids waxbarasho lamid ah middi au baran jiteen.