Guddoomiyaja Degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Abdinur Aden ayaa maanta markale dib u bilaabay furista wadooyinka xiran ee magaalada Gaalkacyo.
Arrintaan ayaa qayb ka ah qorshaha bilic soo celin Degmada oo guddoomiyuhu uu daah furay markii uu xafiiska yimid, waxana wali socda qorshihii furista wadooyinka.
Guddoomiyaha ayaa shacabka magalaada Gaalkacyo ugu baaqay inay ilaaliyaan waddooyinka laga shaqeeyey, cidkasta oo waddooyinka xirtay laga qaadi doono tallaaabo sharciga waafaqsan.
Ugu maamulka degmada Gaalkacyo ayaa umahadceliyey dhamaan cidkasta oo gacan ka gaysatay furista wadooyinka iyo shirkadaha qalabkaan ku deeqay.



