Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay Al-Shabaab saakay ku qaadeen shacabka degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay dishay
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey.
Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badan looga naafeeyey.




