Qarax ka dhacay Muqdisho

Laamaha Amniga ayaa xaqiijiyay in  Qarax Miino uu goordhow ka dhacay  xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa miino ee ka dhacay Taleex waxaa la sheegay in uu geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dhinaca kale, waxaa jira Qaraxyo dhowr ah oo la sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen lana qarxiyeen Qaraxaas inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari wuuna qarxay xilli uu marayay Agagaarka Taleex.