Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo bar koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Asluubta.
Ciidanka Asluubta ee koontaroolka ku leh bartaas ayaa dhowr jeer rasaaseeyay gawaari mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo la socdeen oo u dambeeyay weerarkii gaariga Imaam Maxamed Yuusuf.
Weerarkii galabtay ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu beegsado madaxweynihii hore Xasan Sheekh isla markaana ku soo beegmaya markii la xalliyey xasradii ka taagnayd magaalada Muqdisho.
Midowga Musharaxiinta ayaa kulan ka leh hadda weerarka Madaxweynihii hore ee dalka.



