Shilkan Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Galabta ka dhacay degmada lagu Magacaabo Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil ee degaannada Soomaliland.
Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu rogmaday Gaari Nooca raaxada ah oo ay saarnayeen dad Shacab ah, waxaana ku dhintay laba Ruux halka hal qof uu ku dhaawacmay, sida ay sheegeen dad Goobjoogaal ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Wadooyinka ee Taraafida ayaa gaaray halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale ee shilkaasi wax ku noqday.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaannada Puntland iyo Soomaaliland waxaa kusoo batay Shilalka Gaari , kuwaas oo ay ka dhashaan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.



