DFS oo soo bandhigtay heshiis la kala dhex-dhigay Beelo dagaalamay

Wasiiru dowlaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid)  ayaa shaaciyay in heshiis hordhac ah laga gaaray colaado ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Colaada ayaa u dhaxeeysay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana maalmihii la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ka socday shir lagu heshiisiinayay labada beelood, kuwaas oo dagaal culus uu ku dhexmaray degaano ku yaal duleedka Beledweyne.

Hoos Ka Akhriso Qodsobada heshiiska labada Beelood ay wada gaareen.