Akhriso:- Magacyada Golaha Wasiirada Cusub ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada maamulkaasi.

Sida ku cad liiska golaha wasiirada ee cusub waxaa inta badan xilalkooda waayay wasiiradii horey xilalka u hayay,halka wasiirada qaarkood wasaaradaha loo kala wareejiyay.

Magacaabidda golaha wasiirada maamulka jubbaland ayaa qaadatay muddo ku dhaw 2 sano isla markaana waxay ahayd mid si wayn loo wada sugayay.

Magacaabidda ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu wali muran ka taagan yahay doorashada, sidoo kalena maanta lagu wado in shir looga arrinsano doorashooyiinka uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Akhriso Magacayada Golaha Wasiirada Cusub ee Jubbaland.