Qoyska ayaa waxaa uu ku noolaa Kam barakac oo ku yaal agagaarka Jaamacadda Shabeelle ee duleedka magaalada muqdisho, waxaana ku dhintay Hooyo Shan Caruur ah oo ay dhashay & Cunug kale oo la joogay, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Dhacdadaan ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay ka dambeeysay kadib markii uu kusoo dumay Hooyada & Carruurteeda Darbi ay roobkii xalay kaga gambanayeen.
Mid kamid ah dadka ku nool Xaafada dhacdadaan ay ka dhacday ayaa Risaala u faah faahiyay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.



