Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa Maanta Dhar Ciid u iibisay Carruur isugu jirta Agoon & kuwo Qoysaskooda Danyar yihiin, kuwaas oo ku nool gobolka Banaadir, Lacagaha dharka Ciida loogu iibiyay caruurtan agoonta ah ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacada Risaala oo ka qeyb galay Barnaamij dadka danyarta ah loogu aruurinayay dhaqaalo Carruurtooda loogu iibiyo dharka Ciida.
Guddiga Barnaamijka afuri oo hel laba ajar iyo maamulka Idaacada ayaa isla qaatay go’aan ah in howlaha afurinta loo badalo ciidsiinta caruurta agoonta ah ee qeybaha dambe ee Bisha Ramadaan, taas oo maanta la bilaabay.
Macalin C/weli Yaxye Cali oo ah daadihiyaha Barnaamijka doorweena ka qaatay qeybinta Dharka ayaa sharaxaad ka bixiyay sida Maanta ay Carrruurta Agoonta iyo kuwo Qoysaskooda Danyar yihiin ugu qeybiyeen dharka ciida.
Qaar kamid ah Waalidiinta dhalay Carruurta loo qeybiyay dharka ciida ayaa iyana dhankooda waxaa ay u mahad celiyaan maamulka Sare ee Warbaahinta Risaala iyo dhageystayaasha bixiyay lacagaha lagu soo iibiyay dharka.
Sanadkii Shanaad ayaa Idaacadda Risaala waxaa ay wadaa Barnaamij Caruurta Agoonta ah loogu iibanayo dharka Ciida, iyada oo Barnaamijka ay lacag ku bixinayaan dhageystayaasha Warbaahinta Risaala ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xeeran.




