Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa Maanta qeybisay wajiga koobaad ee Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) ee Bisha Ramadaan deeq kala duwan oo laga soo kala aruuriyay dhageystayaasha Idaacadda Risaala ,waxaana loo qeybiyey dad barakacayaal ah oo ku nool Xaafada Macaani eee degaanka Garas-Baaleey ee duleedka Magalada Muqdisho.
Deeqa Wajiga Koobaad ee Barnaamijka Afuri ee Bisha Ramadaan ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa la gaarsiiyay 30 Qoys, iyada oo loo qeybiyay Raashin isugu jiray, Bariis, Bur, Sokor, Saliid, Timir, iyo lacag kaash ah.
Ustaad Cabdiweli Yaxye oo ah daadihiyaha Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) ee kabaxa idaacadda Risaala ayaa sharaxaad ka bixiyay sida qoysaska dantar loogu qeybiyay deeqda ay gaarsiisay Idaacadda Risaala.
Kusimaha Agaasimaha Idaacadda Risaala ahna Agaasime kuxigeenka Idaacadda Xasan Cabdi Axmed ayaa u mahad celiyay dhageystayaasha Risaala ee deeqdaas bixiyay, isaga oo sidoo kale sheegay in Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) uu noqon doono mid sanad walba la qabto si dadka danta yar looga faa’iideeyo.
Qaar ka mid ah dadka deeqda lasiiyey ayaa iyana dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Dhageystayaasha bixiyay lacagta lagu iibiyey deeqda kala duwan iyo idaacadda Risaala oo kaalin weyn ka geysatay soo aruurinta lacagtaas.
Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho oo lagu yaqaano u adeegida Bulshada ayaa sanadkii 5aad waxaa ay qabatay Barnaamijka (AFURI OO HEL LABA AJAR) oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed aan waxba heysan,waxaana Afartii Sano ee horay u qabatay Barnaamijka ka faa’iideystay dad farabadan oo ku nool Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda.




