Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shil Tareen oo ka dhacay dalka Masar

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay shil tareen oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay dalka Masar, iyada oo uga tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay dowladda iyo Shacabka dala Masar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shegay in Soomaaliya ay garab tagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib shil tareen oo dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo tareenku ka baxay dhabbihiisa meel ku dhow boosteejada Toukh ee gobolka Al Qalyubia ee waqooyiga Magaalada Cairo, shalay gelinkii dambe oo Axad ahayd.

Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel.