Wasiirada Arrimaha dibadda dalal Is-khilaafsan oo wada hadlay

Ilo-wareedyo Diplomasiyadeed ayaa sheegay inay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Turkiga iyo Masar ay maanta ku wada hadleen Khadka Telefoonka.

Labada Wasiir (Mevlut Cavusoglu iyo Samiix Shukri) waxay is-dhaafsadeen Salaanta Hambalyada ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo bilan doonto dhowr maalmood kadib.

Wada-hadalkooda ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu dhicisoobay dadaal lagu doonayey in dib loogu soo celiyo Xiriirka Labada Waddan, kadib, Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo kala dhex galay.

Kulan la filayey in Guddiyo ka kala socda Masar iyo Turkiga bishan dhamaadkeeda ku yeeshaan Qaahira ayaa la baajiyey, iyadoo ay Dowladda Masar soo bandhigtay shuruudo badan oo ay ku xirtay Dib-u-soo-celinta Xiriirka labada dal.

Qoddobada ay Dowladaha Masar iyo Turkiga ku kala tagsan yihiin waxaa ugu tuhunka weyn Faragelinta Turkiga ee dalka Libiya iyo Marti-gelinta Turkiga ee Madaxda Ururka Akhwaanul-Muslimiinka ee laga mamuucay Masar.

Shuruudaha Masar waxaa kaloo ka mid ah inay Turkiga Ciiddankooda kala soo baxaan dalalka Carabta iyo Ixtiraamka Madax-bannaanida dalalka Carbeed.