Midowga Yurub oo digniin adag u diray Madaxda Soomaalida

Midowga Yurub ayaa eedeyn kulul dusha uga tuuray Dhinacyada Soomaalida ee ku horgudban qabashada doorashooyinka dalka, waxaana loo adeegsaday erayo adag.

“Marka dantii gaarka ah aad ka horumarisaan danta guud ee dalka, idinka ayaa iska fogeyay inaad matashaan dadkiina ,Kuwa wada hadalada wax u dhimaya ama sameynaya rabshado waxay la kulmi doonan talaabooyin la xiriira ficiladooda” waana Hanjabaad adag”ayaa lagu yiri Warka Midowga Yurub.

Warka ayaa intaasi kusii daray “Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay qabtaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, lamana ogola geedi socod hal dhinac ah mana heli doono geedi socod hal dhinac ah taageeradeena”