Midowga Musharaxiinta oo qoraal u diray wasiiro dibadeedyo iyo madaxda ururo caalami ah

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore, Raiisulwasarayaal iyo Wasiiro hore  ayaa qoraal ay ku sheegeen inay kula socod siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya” u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal.

Qoraalka waxaa ku saxiixnaa 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

Waxa sheegeen in xubnaha ay u direen ay doonayaan inay gacan ka gaystaan, in si deg deg ah loo fuliyo hanaan doorasho oo xaqiijinaya doorashooyin baarlaman iyo mid madaxweyne.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen “in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho.”